Connect with us

la liga

Real Madrid vs Barcelona: 3 meelood oo muhiim ah oo ay tahay in indhaha lagu hayo kulanka caawa ee Copa del Rey

Published

on

Picsart 23 03 02 12 17 38 114

Real Madrid ayaa marti galin doonta Barcelona mid ka mid ah kulamada semi-finalka ee tartanka Copa Del Rey 2022-23. Lugta hore ayaa la qorsheeyay in la ciyaaro caawa 2 march garoonka Santiago Bernabeu Stadium ee magaalada Madrid.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan ahayd mid hufan, waxaana ay badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan oo ay ciyaartaan.

Advertisement

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay haatan u muuqataa in qaab ciyaareedka fiican ee Barcelona uu hoos u dhacay todobaadyadii u dambeeyay iyada oo kaliya badisay laba ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan oo ay ciyaartaan.

Haddaba, maqaalkani waxa uu eegi doonaa saddex position oo shaqsi oo muhiim ah kuwaas oo go’aamin kara natiijada kulankaan. Anagoon hadal dheerayn, aan eegno iyaga.

Advertisement

#3 Vinicius Junior vs Jules Kounde 

Waxaa lagu sheegi karaa in ciyaaryahanka reer Brazil uu yahay mid ka mid ah garabka ugu fiican ee haatan ka jira horyaalada Yurub, joogitaankiisa weerarkana ay muhiim u tahay Los Blancos.

Vinicius ayaa dhaliyay labo gool, waxaana loo diiwaan galiyay inuu caawiye ka ahaa labo kulan oo uu ilaa hadda u saftay tartanka. Laakiin waxa fure u ah kulankan ayaa ah orodkiisa iyo dhamaystirka cajiibka ah ee uu ku leeyahay goolka hortiisa.

Advertisement

Si la mid ah, la socodka dhaq-dhaqaaqiisa dhanka garabka waa shaqo adag maadaama uu sidoo kale aad u khiyaano badan yahay, waxaana laga yaabaa inuu si dhaqsi ah u dhex maro daafacyada. Jules Kounde xaqiiqdii waa inuu ahaadaa mid difaac adag hadii uu doonayo inuu maro.

Kounde iyo sidoo kale qaab ciyaareedkiisa daafaca ayaa ahaa mid aad u wanaagsan bilihii ugu dambeeyay, waxaana la arki doonaa hadii uu aamusi doono Vinicius semi-finalkan.

Advertisement

#2 Raphinha vs Nacho Fernandez

Laacibka reer Brazil ayaa lagu doodi karaa inuu yahay weeraryahanka ugu muhiimsan Barcelona maadaama uu ka maqan yahay Robert Lewandowski kulankaan.

Waxyaabaha gaarka ah ee Raphinha ayaa ah aragtidiisa iyo xamaasad weyn oo uu ku qaaday garoonka, waxaana tani ay keentay inuu dhaliyay labo gool islamarkaana uu diiwaangaliyo labo caawin seddex kulan oo uu tartankaan saftay.

Advertisement

La socodka dhaqdhaqaaqiisa weerarka waa hawl adag oo la rabo in la qaado maadaama uu aad u degdeg badan yahay oo uu khiyaano ku yahay saddexaad ee ugu dambeeya. Nacho Fernandez waa hubaal in shaqadiisa laga jari doono.

Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha suurtagalka ah ee labada Ferland Mendy iyo David Alaba , Isbaanishka waxay u badan tahay inuu ka ciyaaro daafaca bidix, aamusinta Raphinha ayaa weli ah shaqadiisa koowaad.

Advertisement

#1 Karim Benzema vs Ronald Araujo

Marka aad ka hadasho weeraryahan joogto ah oo khibrad leh, mid ka mid ah magacyada maskaxda ku soo dhacaya waa Karim Benzema. Faransiiska waa fiiqan yahay, aragtidiisa saddexaad ee ugu dambeysana waa mid aad u wanaagsan.

Benzema ayaa dhaliyay hal gool labo kulan oo uu saftay tartanka Copa del Rey ilaa haatan. Laakiin waxa ka dhigaya in uu yahay xiddig muhiim u ah Los Blancos kulankaan ayaa ah awoodiisa hawada iyo joogitaankiisa cajiibka ah.

Advertisement

La socodka dhaqdhaqaaqiisa xaqiiqdii ma ahan hawl fudud Ronald Araujo ayaana shaqadiisa laga jari doonaa. Si kastaba ha ahaatee, Araujo waxa uu ahaa mid ku haboon daafaca xilli ciyaareedkan, awoodiisa uu ku xasilin karo dhabarka dambe ee Barcelona ayaa sidoo kale aheyd mid cajiib ah. Sidaa darteed, in Benzema lagu ilaaliyo xirashada ayaa weli ah ujeedadiisa koowaad.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *