Connect with us

CHAMPIONS LEAGUE

Macalinka Kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in abaalmarinta FIFA The Best aysan ahayn mid muhiim ah & sababta

Published

on

Picsart 23 03 01 17 38 46 891

Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in kooxdiisu aysan dan ka lahayn abaal marinta FIFA The Best kadib markii ay waayeen abaalmarino dhowr ah. Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkii hore ku guulaysatay horyaalka La Liga iyo UEFA Champions League, laakiin midkoodna ciyaartoydeeda iyo tababarahooda midkoodna kuma guulaysan abaal-marin.

Karim Benzema, Luka Modric iyo Vinicius Junior ayaa dhamaantood u tartamayay abaal marinta xidiga sanadka. Si kastaba ha ahaatee, kaliya Benzema ayaa ku dhameystay seddexda ugu sareysa, isagoo ka dambeeya Lionel Messi iyo Kylian Mbappe. Dhanka kale, Thibaut Courtois ayaa lumiyay abaal marinta goolhayaha sanadka ee xulka Argentina Emiliano Martinez.

Advertisement

Ancelotti ayaa ku dhameystay kaalinta 2-aad ee tartanka loogu jiro abaal marinta tababaraha sanadka isaga oo ka dambeeya macalinkii La Abicelest ee ku guuleystay koobkii aduunka ee Lionel Scaloni. Macallinka reer Talyaani ayaa sheegay in Real Madrid aysan ka niyad jabin abaal-marintan isagoo u hambalyeeyay ku guuleystayaasha. Wuxuu yiri 

“FIFA The Best? Wax dan ah kama hayno, muhiim ma ahan, koobka adduunka ayaa quseeya, marka waa iska caadi Messi, Martinez iyo Scaloni ayaa ku guuleystay abaal-marinaha. Hambalyo iyaga”.

Advertisement

Real Madrid ayaa lagu soo daray kooxda sanadka ee FIFA FIFPRO, iyadoo Courtois, Modric iyo Benzema ay ka mid noqdeen XI.

Saxafiga Isbaanishka ah ee Athletico Mario Cortegna ayaa soo sheegay in kooxda Ancelotti aysan ka qeyb galin xaflada abaalmarinta ee ka dhacday Paris 27-kii Febraayo si ay isugu diyaariyaan kulanka Barcelona. Ciyaartoyda El Clasico ayaa ku dagaalami doona lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey Khamiista (2-da Maarso).

Advertisement

 

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *