Connect with us

CHAMPIONS LEAGUE

RASMI: Real Madrid vs Man City & AC Milan vs Inter Milan – Isku-aadka Semi-finalka Champions League Iyo xilliga La Ciyaarayo

Published

on

90F9769F 3AED 4B36 A046 5827FE74F8E9

Isku-aadka semi-finalka Champions League ayaa si rasmi ah loo go’aamiyey kooxaha afarta ah ee iskugu soo hadhay tartanka iyo sida ay iskugu aadan yihiin, waxaana afka iska galay naadiyo waaweyn oo ay ka dhaxayso colaad dheer oo u dagaallami doona sidii ay u kala aargoosan lahaayeen.

Kooxda koobka champions league-ga difaacanaysa ee Real Madrid ayaa waxay semi-finalka la ciyaari doontaa Man City oo xilli ciyaareedkii hore ay waqtigan oo isku dhaceen, isla markaana ay Real Madrid guul cajiib ah oo soo laabasho ah ku gaadhay lugtii dambe ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu.

Advertisement

AC Milan ayaa waxay iyadna waxay ku dhacday kooxda ay isku waddanka iyo magaalada ee Inter Milan oo ay wadaagaan garoonka wayn ee San Siro, waxaana uu isku-dhacoodu dib usoo xasuusinayaa taageereyaasha labada kooxood sannadihii 2003 iyo 2005 oo ay iskugu yimaaddeen wareeggii siddeedda dhamaadka , waxaana labada jeerba ay guushu raacday kooxda AC Milan.

Isku-aadka semi-finalka

Advertisement

Real Madrid vs Manchester City

AC Milan vs Inter Milan

Advertisement

Waqtiga la ciyaari doono semi-finalka

Lugta hore: May 9/10, 2023

Advertisement

Lugta labaad: May 16/17, 2023

Waqtiga la ciyaarayo finalka

Advertisement

June 10, 2023

Wadanka  lagu ciyaarayo

Advertisement

Istanbul, Turkey.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *