Connect with us

CHAMPIONS LEAGUE

Frank Lampard ayaa noqday tababarihii 1-aad ee taariikhda Chelsea laga badiyo 4-tii kulan ee ugu horeeyay

Published

on

573ACF8A 6BAA 4C4E A8F3 F6949AF0C3EC

Wararka ciyaaraha laacib net :-

Frank Lampard ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee Chelsea taariikhda kooxda 118-sano ee laga badiyo afartiisii kulan ee ugu horeysay.

Advertisement

Lampard ayaa ku soo laabtay Stamford Bridge 6-dii Abriil muddo gaaban ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka ka dib markii la ceyriyay Graham Potter.

Si kastaba ha ahaatee, arrimuhu xaqiiqdii ilaa hadda may qorshaysan, Lampard ayaana hadda jabiyay rikoor aan loo baahnayn, sida ay warinayso The Mirror.

Advertisement

Chelsea ayaa 1-0 ku garaacday kooxda Wolves kulanki ugu horeeyay ee Lampard kulankiisii 2-aad ee uu hogaanka u hayo waxaana ku xigtay guuldaro 2-0 ah oo ka soo gaartay Real Madrid lugtii hore ee wareega 8da Champions League.

Todobaadki hore Chelsea ayaa guuldarro 2-1 ah garoonkeeda kaga soo gaartay Brighton kulan ka tirsan horyaalka,kadibna talaadadii ayaa laga ciribtiray Champions League mar kale 2-0 ay ku garaacday Real Madrid.

Advertisement

Lampard ayaa rajeynaya in taxanaha murugada uu dhamaan doono Abriil 26 marka ay Chelsea martigelineyso Brentford kulankooda soo socda.

Intaa ka dib, Blues ayaa la ciyaari doonta Arsenal, Bournemouth, Nottingham Forest, Manchester City iyo Newcastle.

Advertisement

Waa markii ugu horeysay oo Chelsea laga badiyo afar kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan tan iyo bishii November 1993dii.

Intaa waxaa dheer, Chelsea ayaa ku guuldareysatay inay gool dhaliso in ka badan 18 kulan oo kala duwan markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 1980-81.

Advertisement

Lampard ayaa guuldaro 4-0 ah kala kulmay Manchester United 2019 kii kulankii ugu horeeyay ee uu ku sugnaa Chelsea, laakiin kooxdiisu waxay sii waday inay xaqiijiso afarta sare.

Si kastaba ha ahaatee, Lampard ayaa shaqada laga ceyriyay bishii Janaayo 2021 wuxuuna ku haray ciyaarta muddo sanad ah ka hor inta uusan qaban shaqada Everton.

Advertisement

Inkastoo uu ka caawiyay Everton inay ka fogaato inay u laabato heerka labaad xilli ciyaareedkii hore, Lampard ayaa ku dhameystay shaqada Toffees bishii Janaayo ee sanadkan.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League iyada oo ka baxday dhamaan tartamada koobka.

Advertisement

Waxa uu olole niyad jab weyn u ahaa Chelsea, kaasoo xilli ciyaareedka ku bilowday Thomas Tuchel ka hor inta aan lagu bedelin Potter.

Potter waxa uu Chelsea maamule u ahaa 31 kulan,waxa uu badiyay 12 kulan,waxana uu bar-baro galay 8 kulan lagana badiyay 11 kulan.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *