Connect with us

Latest News

RASMI: Man Utd ayaa xaqiijisay in Garnacho uu seegi doono kulamada Betis iyo Fulham

Published

on

2005BF85 B136 4C1F 8A3E 845A3ECB11CA

Layaabka Man Utd Alejandro Garnacho ayaa qirtay inuu qarka u saaran yahay inuu garoomada ka maqnaado ka dib markii uu dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii Southampton ee isbuucaan.

Da’yarka ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray taakalo simbiriirixan ah oo uga yimid Kyle Walker-Peters oo ku sugnaa gudaha aagga, ka dib markii uu badel ku soo galay qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo Reds ay hoos ugu dhacday 10 nin ka dib casaankii Casemiro.

Advertisement

18 jirka garabka ka ciyaara, oo u jabay kooxda koowaad xilli ciyaareedkan, ayaa ku dhaawacmay kulankii United ay barbaraha 0-0 la gashay Saints axadii ka dib takal adag laakiin cadaalad ah oo uu sameeyay Kyle Walker-Peters.

Garnacho oo badel ku soo galay daqiiqadii 73aad ayaa u muuqday mid aad u xanuun badan garoonka Old Trafford ka dib markii lagu soo celiyay daqiiqadii 82-aad balse wuxuu sii ciyaaray 8 kale ka hor inta aan garoonka laga saarin daqiiqadii ugu dambeysay.

Advertisement

Ciyaarta ka dib, maamulaha Red Devils Erik ten Hag ayaa sheegay in dhaawaca xiddigiisa uusan ahayn mid aad u xun.

Laakin da’yarka tayada badan ayaa galabnimadii Talaadada soo dhigay baraha bulshada si uu u xaqiijiyo in uu isaga baxayo xulka Argentina kulankooda labaad ee madax dhamaadka bishan.

Advertisement

Garnacho, oo la sawiray isaga oo Old Trafford kaga sii baxaya biro, lugtiisa midigna kabo difaac ah, ayaa hadda seegi doona ciyaaraha saaxiibtinimo ee Albiceleste ee Panama iyo Curacao ee March 23 iyo 28 siday u kala horreeyaan.

Ciyaaryahanka reer Holland ee Ten Hag ayaa yiri: “Wuxuu yara dhutinaya ka dib taakal xun, marka ugu dambeyntii waxaan u maleynayay inaan soo qaadan doono weeraryahan kale, maadaama aan horeyba nalooga koobnay 10 nin (kadib casaankii Casemiro). Uma maleynayo inuu (dhaawaca) aad u xun yahay.

Advertisement
Advertisement
1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *