Connect with us

la liga

Midkamida Xiddigaha Barcelona ayaa diiday fursad uu ugu biiri lahaa Liverpool iyo Manchester United & sababta

Published

on

Picsart 23 03 04 13 46 44 531

Daafaca kooxda Barcelona Ronald Araujo ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday dalabyo uga yimid kooxaha Liverpool iyo Manchester United si uu u sii joogo kooxda reer Catalonia inkasta oo uu mushaar kordhin ka helay labada kooxood ee Ingariiska ah.

Sida laga soo xigtay SPORT, xiddiga reer Uruguay ayaa ku riyoonaya inuu noqdo kabtanka kooxda mustaqbalka dhow, waxaana uu doonayaa inuu guulo ka gaaro kooxda, waana sababta uu u diiday dalabka labo kooxood oo waaweyn xagaagii hore.

Advertisement

Qandaraaska Araujo ee Barca ayaa hakad galay dhowr bilood iyadoo daafaca reer Uruguay uu heshiis weyn ka doonayay Spotify Camp Nou. Kooxda reer Catalan ayaan u soo bandhigi karin lacag qaali ah wakhtigaas dhibaatooyin dhaqaale dartood, wuxuuna ugu danbayn go’aansaday inuu dib u cusboonaysiiyo dalabkii uu miiska u saaray.

Inkastoo qandaraaskiisa cusub aan weli la diiwaan gelin kooxda, madaxda Barcelona ayaa kalsooni ku qaba in la xalin doono iyada oo aan wax dhibaato ah dhicin.

Advertisement

Inkasta oo aanu ka mid ahayn afarta kabtan ee rasmiga ah, Xavi waxa uu horeba u amaanay Araujo mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda. Isagoo ka hadlayay xirfadaha hogaaminta daafaca da’da yar, Xavi ayaa mar hore yiri:

“Araujo waa hogaamiye, iyadoon loo eegin xaaladiisa jireed, farsamo, iyo xeeladba, wuxuu ku daabacaa shaqsiyadiisa dhanka difaaca isagoo hogaaminaya, wuxuuna leeyahay dhamaan awoodaha uu ku sameyn karo kooxda.”

Advertisement

Go’aanka Araujo uu ku sii joogayo Barcelona ayaan ahayn wax lala yaabo marka loo eego qaab ciyaareedkiisii ​​ugu dambeeyay ee garoonka. Xiddigan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkan waxana uu si fiican ula soo ciyaaray kooxda Real Madrid guushoodii 1/0 ah ee ka dhacay Santiago Bernabeu ee horyaalka La Liga. Xavi ayaa si deg deg ah u amaanay qaab ciyaareedka daafaca kadib ciyaarta isaga oo yiri:

“Araujo waxa uu ahaa mid cajiib ah, laakiin dhamaan daafacyadayada waxa ay ahaayeen kuwa fiican, waa mid ka mid ah daafacyada ugu fiican adduunka”.

Advertisement

Warka Araujo ee diiday dalabyada Liverpool iyo Manchester United ayaa sidoo kale si weyn uga hadlaya kalsoonida uu xiddiga reer Uruguay ku qabo Xavi Hernandez kaas oo shaqo fiican ka qabtay in Barcelona ku sii hayso hogaanka horyaalka La Liga. Labada kooxood ayaa ka faa’iidaysan karay awooda daafaca ee reer Uruguay, laakiin waxa ay u muuqataa in uu naftiisa u huray in uu guulo ka gaadho Barcelona oo uu noqdo hogaamiye kooxeed.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *