Connect with us

Latest News

Manchester United Oo Markii 21-aad Ee Taariikhdooda Iska Xaadiriyay Final-ka FA Cup-ka, Brighton Ayay reebeen

Published

on

F03757B6 65D2 4574 8A13 E55C902567A6

Manchester United ayaa gaartay finalka FA Cup-ka markii 21-aad ee taariikhdeeda ka dib markii ay jabisay rikooro kulan xiiso badan.

Ciyaarta ayaa ahayd mid aad u xiiso badan oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo dhinac walba uu abuurayay fursado aan kala joogsi lahayn.

Advertisement

Brighton ayaa ahayd kooxda ugu fiicnayd dhanka maamulka ciyaarta, balse marka la eego fursadaha ay labada kooxood isku dheeli tireen.

Labada kooxood ayaa helay fursado aad u fiican iyaga oo dhawr jeer tijaabiyay goolhayayaasha kuwaas oo u maray in ay shabaqa ilaashadaan.

Advertisement

Dadaal ay sameeyeen labada kooxood ayaa ku soo idlaaday barbaro goolal la’aan ah, waxaana labada kooxood ay ku guuldareysteen inay shabaqa soo taabtaan.

Kadib 90 daqiiqo oo ayna wax gool ah la kala dhalin waxa la isla aaday rikoodhayaal si loogu kala baxo ciyaarta midkoona uu iska xaadiriyo Final-ka tartanka FA Cup-ka.

Advertisement

Man United ayaa 6-7 ku garaacday Brighton kadib markii ay Brighton lumisay rekoodhihii todobaad ee ciyaarta.

Man United ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay bisha soo socota la ciyaarto Final-ka koobka FA Cup-ka oo ay kula ciyaari doonto kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City garoonka Wembley.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *