Latest News
Erik ten Hag ayaa balan qaad adag u sameeyay jamaahiirta Man United ka hor finalka FA Cupka ee Man City

Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa balan qaad u sameeyay jamaahiirta kooxdiisa kadib markii ay xalay u gudbeen finalka koobka FA Cupka oo ay la ciyaarayaan Man City.
Sky Blues ayaa dorraad 3-0 uga badisay Sheffield United halka Red Devils ay xalay rigoorayaal ku garaacday Brighton, kuwaasoo ku jira xilli ciyaareed cajiib ah.
Guushan ayaa la macno ah in ay finalka la ciyaari doonaan kooxda ay dariska yihiin ee Man City kuwaas oo sidoo kale doonaya in ay xilli ciyaareedkan ku guulaystaan Premier League iyo Champions League.
Hadii ay City ku guulaysato 3-da koob waxa ay bar-barayn doontaa rikoodhka dheer ee Man United oo ah kooxda kaliya ee Ingiriis ah ee hal xilli ciyaareed ku guulaysata saddex koob oo ay qaadeen sanadkii 1999-kii.
Ten Hag ayaa u balan qaaday taageerayaashiisa in ay sameyn doonaan wax walba oo ay uga hortagi karaan in City ay ku guuleysato seddexleyda.
“Waan fahmay dareenka taageerayaasha Manchester United kulankaan, waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodno si aan u siino guusha iyo koobka labaad ee xilli ciyaareedka.”
“Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo, ciyaartoydu waxay sameyn doonaan wax walba oo ay awoodaan, shaqaalaha tababarka ayaa sameyn doona wax walba oo ay ku dhici karaan”.
“Waan sameyn karnaa laakiin ma ahan howl fudud sababtoo ah waxay heystaan koox weyn”.
City ayaa ogaan doonta haddii ay gaareen finalka Champions League oo ay difaacdaan horyaalka marka ay la ciyaaraan Man United 3-da June.