Connect with us

kooxdena

Real Madrid Oo Diidday Inay Bixiso Qiimaha Waallida Ah Ee Ay Borussia Dortmund Ku doonayso Jude Bellingham

Published

on

23267359 FAD8 4745 BB6A F7A6BF432260

wararka Ciyaaraha:- Kooxda kubdda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay u dhowdahay inay iskaga baxdo loolanka loogu jiro saxeexa xiddiga khadka dhexe ee reer England iyo Borussia Dortmund ee Jude Bellingham waxaanay iska diiday inay ogolaato inay bixiso qiimaha waallida ah ee ay Borussia Dortmund ku doonayso saxeexa laacibkan.

 

Advertisement

Jude Bellingham oo ay Borussia Dortmund kasoo iibsatay kooxda championship ka ee Birmingham City sannadkii 2020, ayaa waxa uu ka mid noqday hantida ugu qaalisan ee lagu dagaallamo suuqa kala iibsiga xagaagan, isaga oo muddadii saddexda sannadood ahayd ee uu joogay Signal Iduna Park ka mid noqday xiddigaha la jecel yahay kubadiisa looguna hadal haynta badan yahay.

 

Advertisement

19 jirkan oo 128 ciyaarood oo uu u saftay Borussia Dortmund u dhaliyey 20 gool, sidoo kalena caawiyey 25 kale, ayaa waxa qandaraaskiisa ka hadhsan laba sannadood, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo waaweyn oo reer Yurub ah.

Manchester City iyo Real Madrid ayaa ah kooxaha aadka loola xidhiidhinayo, laakiin Los Blancos ayaa la  sheegay in ay ka cago-jiidayso inay bixiso lacagta ay Dortmund ku xidhay iibka laacibkan oo sare u dhaafaysa €150 milyan oo Euro.

Advertisement

Real Madrd oo u arkaysay Bellingham beddelka Luka Modric ee sannadka 2024, kaddib marka uu dhamaado qandaraask cusub ee uu hadda saxeexayo, ayaa waxa la sheegay in aanay doonayn inay Jude Bellinghham ka  bixyaan wax ka badan €100 milyan oo Euro.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *