Connect with us

bundesliga

RASMI: Nagelsmann ayaa laga ceyriyay shaqada tababaranimo ee Bayern Munich iyadoo Tuchel loo magacaabay

Published

on

0EF7861D 8EB2 4F87 AD86 FCFE2A397D82

Wararka Bayern munich: Julian Nagelsmann ayaa laga ceyriyay Bayern Munich, iyadoo Thomas Tuchel la xaqiijiyay inuu bedelayo.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa ku dhibtooneysa gudaha xilli ciyaareedkan, waxaana ay kaalinta labaad ka hooseysaa Borussia Dortmund.

Advertisement

Nagelsmann, oo aan joogin garoonka tababarka isbuucaan, ayaa la fahamsan yahay inuu waayay shaqadiisa sababtoo ah kooxda ayaa dib u laabatay horyaalka, madaxda sarena ma aysan arag horumar ku filan ciyaartoyda.

Ciyaartoyda iyo madaxda Bayern ayaa sidoo kale la yaabay markii ay arkeen in 35-sano jirku uu ku jiray fasaxa barafka usbuucan waqtigan muhiimka ah iyagoo dareemaya inay direyso calaamad qaldan, sida laga soo xigtay Sky ee Jarmalka Florian Plettenberg.

Advertisement

Tuchel, oo 49 jir ah, ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea bishii Sebtembar iyadoo uu hoos imaanayo lahaanshaha cusub ee Todd Boehly.

49-sano jirkaan oo ku noolaa magaalada Munich muddo todobaadyo ah ayaa horay usoo maamulay kooxaha Dortmund iyo Paris Saint-Germain. Ciyaartoyda Bayern waxay hore u sii ogaayeen horaantii isbuucaan in Tuchel uu noqon doono tababarahooda cusub.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *