Connect with us

Latest News

“Kaliya waxaan u tagi Lahaa inaan isaga daawado” Laacibkii Hore ee Man City Yaya Toure oo Amaan Kala Duldhacay xidig Arsenal

Published

on

Picsart 23 03 08 19 11 11 763

Halyeeyga kooxda Manchester City ee Yaya Toure ayaa si weyn u amaanay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Thomas Partey sida uu uga faa’ideystay tartankan.

Laacibka reer Ghana waxa uu ololahan aad ugu wanaagsanaa kooxda Mikel Arteta waana mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee ay Gunners hogaanka ugu hayso tartanka horyaalka.

Advertisement

Yaya Toure, oo hadda ka shaqeeya akadeemiyada Tottenham Hotspur , ayaa ammaanay Partey. Xidigii hore ee Ivory Coast ayaa qirtay inuu aad u jecel yahay daawashada xiddigii hore ee Atletico Madrid oo u ciyaaraya Gunners.

Yaya Toure ayaa yidhi “Haa wuu qurux badan yahay, runtii aad bay u fiicantahay in la arko. Waxaan u maleynayaa hadda usbuuc kasta marka ay Arsenal ciyaareyso, waa inaan runta sheego, waxaan aadi lahaa kaliya inaan daawado isaga. Isagu waa wax aan la rumaysan karin.”

Advertisement

Toure ayaa sidoo kale fikirkiisa ka dhiibtay tartanka horyaalka Premier League wuxuuna qirtay inuu jeclaan lahaa inuu arko Manchester City oo sii heysata horyaalka. Wuxuu intaas ku daray:

Waqtigan xaadirka ah, runtii aad bay u cidhiidhi tahay. Man City ayaa si fiican u ciyaareysa, waxaana ay rajeynayaan in Arsenal ay dhibco lumin doonto. Waxaan qabaa in Arsenal ay dhibco lumin doonto. Way fogtahay weli, cadaadiska ayaa jira.”

Advertisement

Man United weli si fiican ayay u shaqeysaa, Liverpool maalmo ka hor natiijo cajiib ah, Arsenal si fantastik ah ayay u tartameysaa, mararka qaar koox noqon karta horyaalnimada waxaad mar walba urin kartaa nasiibkaas iyo wanaagaas.”

Marka aan arko ciyaaraha inta badan, waxaad dareemi kartaa horyaal marka kooxdu ay gool dhaliso iyo saaxiibtinimada ciyaartoyda iyo dabaaldegyada iyo ku raaxaysiga u dhexeeya midba midka kale, wuxuu ahaa gool daqiiqadii ugu dambeysay [laga dhaliyay Bournemouth. Waxaan rabaa inaan dhaho waa go’aamiye horyaalka maadaama ay waddo dheer tahay, waxaan rajeynayaa inay Man City sameyn doonto sababtoo ah waxaan taageere u ahay Man City.”

Advertisement

Partey wuxuu ahaa mid cajiib ah xilli ciyaareedkan bartamaha beerta. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana ayaa saftay 26 kulan tartamada xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay seddex gool.

 

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *