Connect with us

Latest News

Frank Lampard ayaa xaqiijiyay waqtiga saxda ah ee daafaca Chelsea ee Koulibaly maqnaanayo

Published

on

7B1DFF25 7B8D 4930 8746 CD3D8C512D86

Wararka ciyaaraha:- Kalidou Koulibaly ayaa seegi doona labada kulan ee soo socota ee Chelsea wuxuuna garoomada ku maqnaan doonaa muddo todobaadyo ah kadib dhaawac muruqa ah, ayuu yidhi tababaraha ku meel gaadhka ah ee Frank Lampard.

Daafaca dhexe ee Senegal, oo 31 jir ah, ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray guuldaradii 2-0 ee ay Blues ka soo gaartay Real Madrid lugta hore ee wareega 8da Champions League.

Advertisement

Waxa uu seegi doonaa kulanka sabtida ee Premier League ee ay gurigeeda ku soo dhawaynayaan Brighton iyo kulanka lugta labaad ee ay Real la ciyaari doonaan talaadada.

“Waa ciyaaryahan aad u wanaagsan, khibrad badan leh” ayuu yiri Lampard.

Advertisement

Daafaca bidix ee Marc Cucurella ayaa bedelay Koulibaly daqiiqadii 55-aad ee ciyaarta.

Benoit Badiashile ayaa laga yaabaa inuu soo galo kulanka Brighton, laakiin 22 jirka reer France ayaan u diiwaan gashanayn Blues Champions League-ga. Trevoh Chalobah, oo 23 jir ah, waa dookh kale oo Lampard ah, waxaana uu ku jiraa kooxda Chelsea ee Yurub.

Advertisement

“Dadku in badan ayay ka hadlaan kooxdeena laakiin ma aanan helin wax badan oo dabool ah waqtiyada qaar, kooxda Champions League waa ay ka duwan tahay kooxda Premier League,” ayuu yiri Lampard.

“Dabcan waxay niyad jab ku tahay Koulibaly iyo anaga, laakiin waxay fursad u tahay [dadka kale], waana sii wadeynaa la’aantiisa, waxaana rajeyneynaa inuu ku heli karo taam ahaanshihiisa.”

Advertisement

Chelsea oo ku jirta kaalinta 11-aad ee kala saraynta horyaalka ayaa ku dhibtoonaysa qaab ciyaareedkeeda mana dhalin wax gool ah afartii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Pierre Emerick-Aubameyang ayaa ku soo biiray guuldaradii 1-0 ka ah ee Wolves isbuucii hore, Lampard ayaana ka dhawaajiyay in 33 jirkaan uu ku lug lahaan karo kulanka Brighton.

Advertisement

“Auba hadda waxa uu la mid yahay qof kasta oo kooxda ku jira, haddii aad hore u soo bilawday iyo haddii aanad wax badan bilaabin, qof kasta waxa uu hadda u baahan yahay in uu ku tartamo tababarka si uu u muujiyo in aad u qalanto boos,” ayuu Lampard ku daray.

“Dabcan taariikhda ayaa sheegaysa inuu leeyahay rikoor gool dhalineed oo cajiib ah sidaas darteed waan arki doonaa.”

Advertisement

Chelsea ayaa ciyaartay saddex kulan lixdii maalmood ee ugu danbeeyay, ciyaartoyda qaar oo kooxda ka maqnaa ayaa helay fursado kooban oo ay ku qancin karaan Lampard tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay kooxda ka dib markii Graham Potter la ceyriyay.

“Dhammaantood ma wada ciyaari karaan, xisaabtu ma shaqeyso,” ayuu yidhi. “Marka hore, waxaan rabaa inaan ku guuleysto ciyaaraha kubadda cagta – maadaama aan nahay Chelsea, taasina waa waxa nalaga filayo.

Advertisement

“Marka labaadna waxaan rabaa in aan qeyb ka noqdo hannaanka muddadan, haddii ciyaartoyda ay u qalmaan inay ciyaaraan, ay fursad u helaan gudaha garoonka si ay u muujiyaan waxa ay sameyn karaan.

“Sabtida waxay fursad u noqon doontaa qaar ka mid ah ciyaartoyda aan ciyaarin Champions League, kuwaas oo suurtogal ah inaan ciyaarin usbuuca dhamaadkii, inay soo galaan sababtoo ah waa ciyaar aan si buuxda ugu baahanahay firfircooni iyo tamar sidoo kale.”

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *