Connect with us

Latest News

Evan Ferguson ayaa aqbalay qandaraas kordhinta Brighton

Published

on

EF56B481 44DF 4683 99A0 D8F968931BB4

Evan Ferguson ayaa ogolaaday qandaraas cusub oo waqti dheer ah oo uu ku sii joogayo Brighton & Hove Albion inkastoo ay xiiseynayaan qaar ka mid ah kooxaha ugu sareeya Yurub.

Laacibka xulka qaranka Republic of Ireland ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League isaga oo u dhaliyay 8 gool tartamada oo dhan kooxda Brighton isaga oo sidoo kale fure u noqday tababaraha cusub ee Roberto De Zerbi.

Advertisement

Inkasta oo uu si niyad jab ah u lumiyay fursad uu ku ciyaari lahaa garoonka Wembley Stadium ee ay Brighton la ciyaartay kooxda Man United ee Semi-finalka FA Cup-ka, haddana kooxda ayaa xaqiijisay in uu weeraryahanku ku dhaw yahay inuu ka soo laabto dhaawacii uu qabay.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Ferguson ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah bilihii u dambeeyay.

Advertisement

Kooxdena ayaa soo wariyay dhamaadkii bishii March in Bayern Munich, SSC Napoli, Chelsea, Newcastle United, Liverpool iyo Barcelona ay dhamaantood indha indheeyeen 18 jirkaan tayada leh – kuwaas oo 90min u sheegay inay Ferguson u arkaan inuu yahay ciyaaryahan awood weyn leh.

Wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalka weeraryahanka da’da yar ayaa haatan si adag sariirta loo dhigay ka dib markii uu u saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah garoonka Amex Stadium.

Advertisement

Ferguson ayaa ku biiray xiddiga ay isku dalka yihiin ee Andrew Moran si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.

Moran, oo ka tirsan xulka 21-jirada Jamhuuriyadda Ireland, ayaa ogolaaday qandaraas cusub oo soconaya ilaa 2027.

Advertisement

Agaasimaha farsamada David Weir ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in Moran uu heshiis waqti dheer ah ka saxiixo bayaan kooxda.
“Andrew si fiican ayuu uga soo baxay akadeemiyadda, waxaana uu soo jiitay Roberto isagoo qeyb ka ah kooxda koowaad xilli ciyaareedkan.

Runtii aad ayuu uga shaqeeyay sidii uu qandaraaskan cusub u heli lahaa, hadda caqabada haysataa waa in uu kooxda soo galo,” ayuu yidhi.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *