Connect with us

Latest News

Chelsea ayaa gurigeeda looga badiyay, Lampard ayaana la kulmay guuldaradii seddexaad, halka Tottenham gurigeeda lagu garaacay

Published

on

6575CE98 E67F 4D77 A33A 278C0A45665F

Wararka ciyaaraha:-

Guuldaradii seddexaad ee xiriir ah ee Chelsea seddex kulan oo uu hogaaminayay Frank Lampard, oo loo magacaabay macalin ku meel gaar ah isbuucii hore, waxaa ku xigtay guushii ay ka gaareen Brighton & Hove Albion oo ka dhacay Stamford Bridge.

Advertisement

Kooxda martida ahayd ee Brighton oo ciyaarta inteeda badan gacanta ku haysay ayaa heshay guushii ay u qalantay, waxayna qaybta labaad ee ciyaarta ku qaadatay saddexda dhibcood.

Gallagher

Advertisement

Chelsea ayaa wakhti hore heshay gool nasiib leh kadib markii uu Conor Gallagher kubbad uu garabka bidix ka soo tuuray u soo dhiibay Modric Mykhailo kaas oo darbo daciif ah ku tuuray goolka laakiin waxay ku dhacday difaacii kaas oo kubbada ka saaray goolhayaha.

Brighton oo labo ciyaaryahan ka dhaawacantay ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta la timid goolka barbaraha, iyadoo seddex daqiiqo ay ka harsan tahay, Danny Welbeck, oo bedelay Ferguson, ayaa madax ku dhaliyay.

Advertisement

Goolhaye Kepa Arrizabagala ayaa ahaa geesigii Chelsea ee diiday in lagu fadeexadeeyo garoonkiisa, wuxuuna sameeyay in ka badan 10 badbaadin oo halis ah, halka difaaca iyo khadka dhexe ee Chelsea ay hoos u dhaceen.

Blues oo aad uga fikiraysay kulankii Real Madrid ee lugta labaad ee wareega sideedaad ee Champions League ayaa lumisay lix ciyaartoy oo muhiim ah, waxaana soo galay Frank Lampard, balse wuu ka qoomameeyay.

Advertisement

Brighton Chelsea

Daqiiqadii 69-aad ayay Brighton heshay goolka guusha kadib markii uu darbo xoogan ka helay Julio Cesar Enchizo kaas oo ciyaarta badal ku soo galay.

Advertisement

Chelsea ayaa isku dayday inay la timaado goolka barbaraha, laakiin waxay nasiib u yeelatay haddii ciyaarta ay ku dhammaatay 2-1, sababtoo ah Brighton waxay u qalantay inay la timaado goolal kale.

Dhinaca kale, Tottenham waxaa lagu garaacay gurigeeda Tottenham stadium, waxaana 3-2 uga badiyay kooxda Bournemouth ee ay isku magaalada yihiin.

Advertisement

Tottenham ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay gool uu u dhaliyay Son Heung-min daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta, laakiin waxaa lagu bedelay labo gool oo ay kala dhaliyeen Bournemouth Matias Vina iyo Dominic Solanke.

Tottenham ayaa daqiiqadii 88-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo la soo saxiixday Danjuma xilli ay taageerayaasha Tottenham dabaal degayeen, balse waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta waxaa bournemouth u dhaliyay goolka guusha Dango Ouattara, ciyaarta ayaana ku soo idlaatay 3-2.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *