Connect with us

la liga

Barcelona vs Atletico Madrid – xiddigo Muhiim Ah oo u Soo Laabtay Barca & Shaxda Labada Kooxood

Published

on

35E61B5C C191 46A5 90D5 185358759F64

Wararka La liga :-Barcelona vs atletico Madrid

Mid ka mid ah kulamada ugu waa weyn horyaalka Spain ayaa galabta oo Axad ah ka dhacaya garoonka Camp Nou iyadoo Barcelona ay soo dhaweyn doonto kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Advertisement

Kooxda martida loo yahay ayaa si raaxo leh ku hogaamineysa horyaalka La Liga iyagoo sideed dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Real Madrid oo kulan la sii hor martey, halka Atletico Madrid ay ku jirto kaalinta seddexaad waxayna shan dhibcood ka danbeeyaan Los Blancos.

Barcelona ayaa la qaboojiyay xawaarihii ay ku socotay horyaalka La Liga ka dib markii ay labo barbaro oo isku xigta la gashay kooxaha Girona iyo Getafe laakiin weli si raaxo leh ayay ugu fadhiyaan hogaanka horyaalka La Liga.

Advertisement

MAXAA KU CUSUB?

Barcelona waxaa mar kale ka maqnaan doona daafaceeda Andreas Christensen sababo la xiriira dhaawac kubka ka oo gaadhey halka Sergi Roberto uu wajahayo dhaawac muruqa bowdada ah.

Advertisement

Ousmane Dembele ayaa diyaar ah sida uu sheegay tababare Xavi laakiin xiddiga Faransiiska waxaa mar kale laga saaray liiska ciyaartoyda ciyaareysa kulankaan.

Si kastaba, waxaa Barcelona u soo laabtay Frenkie de Jong iyo Pedri, halka Ansu Fati iyo Marcos Alonso la filayo inay ciyaaraan kulanka Galabnimada.

Advertisement

Dhinaca Atletico Madrid xiddigaha khadka dhexe Marcos Llorente iyo Geoffrey Kondogbia ayaa ganaax kaga maqnaanaya ka dib kaarar jaale ah oo ay qaateen kulankii ay Almeria ka badiyeen todobaadkii hore.

Shaki weyn ayaa ku jira taam ahaanshaha Memphis Depay halka Reinildo uu dhaawac halis ah ku maqnaanayo inta ka harsan xilli ololahan.

Advertisement

SHAXAHA MACQUULKA AH:

Barcelona: Ter Stegen; Kounde, Araujo, Alonso, Balde; Kessie, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Fati

Advertisement

Atletico Madrid: Oblak; Hermoso, Savic, Gimenez; Molina, De Paul, Barrios, Koke, Carrasco; Morata, Griezmann

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *