la liga
Barcelona ayaa dib u soo ceshatay 9 dhibcood oo ay ku hogaaminayso horyaalka La Liga kadib markii ay ka badisay kooxda Athletic Club

Kooxda Barcelona ayaa dib u soo ceshatay 9 dhibcood oo ay ku qabatay hogaanka horyaalka La Liga kadib markii ay 1-0 ku garaacday kooxda Athletic Club.
La Blaugrana ayaa lagu qasbay in ay si qoto dheer u qodo marxaladihii ugu dambeeyay ee Bilbao, markii ay ka jawaabeen guushii Real Madrid ee Espanyol, iyadoo seddex dhibcood oo nadiif ah ku heysa Bilbao.
Catalans ayaa ka fogaatay qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo ciyaaryahanka reer Brazil Raphinha uu shabaqa ku hubsaday qeybtii hore ee ciyaarta, fursada kaliya ee ay heleen.
Barcelona ayaa halis galisay ka dib markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta,laakin waxa ay abaal u hayeen Marc-Andre Ter Stegen xilli dambe,maadama uu Jarmalku sameeyay labo badbaadin oo cajiib ah.
Kooxda Athletic Club ayaa u muuqatay in ay la timid goolka barbaraha, kaliya waxaa goolka cajiibka ah ee Inaki Williams u dhaliyay VAR, iyada oo Barcelona ay xariiqday goolka guusha.
Kulanka soo socda ee Barcelona ayaa ah kulanka xiisaha badan ee El Clasico oo ay Real Madrid kula ciyaari doonto Camp Nou todobaadka soo socda, ka hor fasaxa caalamiga ah, iyadoo kooxda Athletic Club ay wadada ku mari doonto Real Valladolid.