Connect with us

Latest News

RASMI: Chilwell ayaa heshiis cusub oo 2 sano ah u saxiixay Chelsea ilaa 2027

Published

on

9D87EE8C 068F 4A3B A5BE FC7032B121E5

RASMI: Daafaca Chelsea Chilwell ayaa saxiixay heshiis cusub oo labo sano ah ilaa 2027

Ben Chilwell ayaa muhiim u ahaa guusha Chelsea tan iyo markii uu kaga soo biiray Leicester City 2020, isagoo kula guuleystay Blues Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup.

Advertisement

Chelsea ayaa loo gacan galiyay dhiiri galin wayn ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan kadib markii ay heshiis cusub ka saxiixday Ben Chilwell. 26 jirkan ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Man City todobaadyadii u dambeeyay isaga oo wali wacdaro ka dhigaya Blues.

Chilwell ayaa ogolaaday inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda ka dhisan galbeedka London laba sano oo kale, isagoo ku sii hayn doona Stamford Bridge ilaa 2027. Waqtigeyga garoonka halkaan aad ayaan ugu faraxsanahay kooxdu waxay dooneysaa inaan qeyb ka noqdo mashruuca waqti dheer, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan saxiixo heshiis kordhinta.

Advertisement

“Waxaan si adag uga shaqeyneynaa inaan guulo gaarno, waxaan ku dadaali doonaa inaan dhoola cadeyn badan u keeno wajiyada taageerayaasha kuwaas oo si weyn ii soo dhaweeyay”.

Chilwell ayaa 19 jeer u saftay Blues xilli ciyaareedkan Premier League, isagoo si toos ah uga qayb qaatay shan gool oo uu ka dhaliyay daafaca bidix. Inkastoo uu dhaawac weyn ku seegay xilli ciyaareedkan, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa iftiin u noqday kooxda.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *