Connect with us

Latest News

Pep Guardiola Oo Shaaciyey Hal Faa’iido Oo Ay Man City Dheertahay kooxda Arsenal

Published

on

9CED7F00 4B43 45C3 92F7 ADABED57F5F3

Wararka Ciyaaraha:- Isagoo ka hadlayay ka hor kulanka Man City ee Premier League ee sabtida ay la ciyaarayaan Leicester, tababaraha ayaa la weydiiyay saameynta ay ku yeelan karto in kulamo badan uu u ciyaaro kooxdiisa.

Pep Guardiola ayaa yiri: “Runtii ma aqaano, mararka qaar waaya aragnimadeena waa marka aan ciyaarno kulan seddexdii maalmoodba mar, afartii maalmoodba, waxaan heysanaa taam ahaansho, waxaan heysanaa feejignaan badan oo na caawineysa”.

Advertisement

“Waagii hore waxay ahayd sidii aan ciyaarnay kulamo badan ilaa dhamaadka – way na caawisaa.”

“Mararka qaar marka aan ciyaarno hal kulan todobaadkii – kooxdeena – waxaan luminaa taam ahaanshheena, marka aan ciyaareyno Sabtida iyo ka dib Talaadada ama Arbacada, si fiican ayaan u soo kabsaneynaa, maskaxda xiddiguhuna waa diyaar.”

Advertisement

“Marka aan haysano labo maalmood oo fasax ah, waxaan luminaa taam ahaanshheena iyo diyaargarowgeena kulankaan oo kale.”

“Laakiin, dhamaadka xilli ciyaareedka, sidaan horayba u sheegay, lix toddobaad, todoba toddobaad, way dhamaatay, sidaas darteed ciyaaryahanku wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu ku sii wadi karo.”

Advertisement

Man City ayaa haatan lix dhibcood ka dambeysa Arsenal, inkastoo Manchester City ay hal kulan u harsan tahay.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *