Connect with us

la liga

Kooxda Barcelona oo dharbaaxo weyn la kulantay ciyaaryahan muhiim ah oo dhaawac looga saaray tabobarkii shalay

Published

on

Picsart 23 02 25 10 43 49 356

Barcelona ayaa jug wayn soo gaartay iyadoo Ansu Fati uu jug ka soo gaaray tababarka. Muddada uu maqnaan doono waxa lagu go’aamin doonaa baadhitaan dheeraad ah. Fati waxa ka soo gaadhay jug jilibka bidix ah.

Lambarka 10-aad ee Barca ayaa ahaa si joogto ah uga mid ahaa shaxda kooxda Xavi xilli ciyaareedkan. Waxa uu tartanka saftay 34 kulan,waxa uu u dhaliyay lix gool,halka uu caawiye ka ahaa 3 kale.

Advertisement

Iyadoo Ousmane Dembele uu sidoo kale dhaawac ku maqan yahay, jugtii Fati ayaa dharbaaxo weyn ku noqon karta Blaugrana.

Barcelona ayaa guuldarro 2-1 ah kala kulantay Manchester United lugta labaad ee isreeb-reebka UEFA Europa League. Waxa ay barito laciyaari donaan UD Almeria kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo ay marti yihiin.

Advertisement

Dhanka kale Xiddigaha Barcelona ayaa ka fal celiyay guuldaradii ka soo gaartay Manchester United

Guuldaradii Manchester United waxay ahayd mid xanuun badan oo ay liqday kooxda Xavi. Inkasta oo ay 1-0 ku hogaaminayeen hal dhibic hadana waxaa u dhaliyay Robert Lewandowski rigoore qeybtii hore ee ciyaarta,Fed iyo Antony ayaa qeybtii danbe ee ciyaarta u dhaliyay Barca guuldarro.

Daafaca Ronald Araujo ayaa yiri ciyaarta ka dib “Tartamada Yurub waa muhiim, Barcelona waa inay u tartantaa dhamaan koobabka. Waa inaan bedelnaa maskaxdeena, waa inaan noqonaa kuwa togan, waa run inaan ka baxnay Europa League, laakiin waxaan ku jirnaa horyaalka, waxaana heysanaa Copa del Rey.”

Advertisement

Kabtanka Barca ee Sergio Busquets ayaa sheegay “Waxaan qabaa inaan ku bilownay si wanaagsan, waxaan dhalinay goolkeena, waxaana helnay fursado aan 2-0 kaga dhigi karno, qeybtii labaad waxay ku soo galeen si ka fiican, waa koox weyn, waxaan isku daynay ilaa dhamaadka. Waxay ahayd ciyaar barbardhac ah oo waanu tartamaynay, tafaasiil yar awgeed ayaana nalooga reebay. Marka laga reebo xoojinta, maanta waanu fiicnaannay.”  

Barca ayaa haatan laba jeer laga saaray tartamada Yurub xilli ciyaareedkan. Waxaa sidoo kale laga saaray wareega group-yada UEFA Champions League horaantii taetankan.

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *