Connect with us

Latest News

Hordhac: Nottingham forest vs Manchester United, Wararka kooxaha iyo xogta kulanka

Published

on

D33D5DF9 C152 4F2A AF55 4509EF7E7CB2

Kulankaan ayaa ah mid aad muhiim ugu ah labada kooxood oo u baahan in ay guulo gaadhaan. Nottingham Forest, oo aan wax guul ah gaadhin sagaal kulan,kuna jirta horyaalka saddexda kaalmood ee ugu hooseeya, ayaa u baahan inay ku soo laabato wadada si ay uga fogaato inay u laabato heerka labaad.

Man United oo waryadii u dambeeyay ku jirtay xaalad xun gaar ahaan marka ay ka maqan tahay, ayaa isku dayaysa in ay iska ilaaliso kulanka muddada oo xidhiidh ah, maadaama ay ku soo laabatay dhibic iyo gool la’aan.

Advertisement

Maxaa Cusub

Nottingham Forest waxaa ka maqan 11 ciyaaryahan oo ay ku jiraan Serge Aurier, Cheikhou Kouyaté, Moussa Nyakati, Gustavo Scarpa iyo Ryan Yates.

Advertisement

Julian Biancon, Willie Boley, Dean Henderson, Renan Lodi, Omar Richards, iyo Chris Wood.

Manchester United ayaa waayi doonta daafacyada dhexe ee Rafael Varane iyo Lisandaro Martinez, maadaama daafaca Argentina uu maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Advertisement

Marcus Rashford ayaa wali la maqan dhaawac bowdada ah, laakiin Scott McTominay iyo Luke Shaw ayaa soo laaban kara.

SHAXAHA MACQUULKA AH:

Advertisement

Nottingham Forest: Navas; Williams, Worall. Filibiin, Tovolo; Freuler, Danilo, Mangala; Gibbs-White, Johnson; Dennis

Manchester United: De Gea. Dalot, Lindelof, Maguire, iyo Malacia; Fernandez, Casemiro, Eriksen; Anthony, Martial, Sancho

Advertisement

MA OGTAHAY

Manchester United ayaa dhalisay ugu yaraan saddex gool mid kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaartay Nottingham Forest.
Red Devils ayaa badisay sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Nottingham Forest tartamada oo dhan, waxaana ay ku badiyeen celcelis ahaan 34-3.
Forest ayaa dooneysa inay ka fogaato ku biirista Sheffield Wednesday iyo Chelsea oo ay afar jeer garaacday Manchester United hal xilli ciyaareed gudaheed.

Advertisement

XOGTA KULANKA:
Nottingham Forest vs Manchester United

Garoonka: City Ground

Advertisement

Waqtiga: 6:30pm Saacada Geeska Afrika

Advertisement
Advertisement
Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *